Somali News

Turkiga oo war ka soo saaray qaraxii maanta ka dhacay Muqdsho

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay Qaraxii maanta ka dhacay xerada Gen Dhaga badan ee ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. kaasi oo lala beegsaday dhalinyaro doonaysay in ay ku biiraan ciidanka Xoogga Dalka.


Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday dhalinyarada, iyagoona ku tilmaamay falkaas inuu ahaa mid Argagixiso ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa qaraxa argagixiso, waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”


Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.