Somali News

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo caawa Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho-KNN-Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ugaaska ayaa la sheegay inuu haleelay cudurka Coronavirus, sida KNN ay u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya Ugaaska ayaa maalmihii u dambeeyey la il daraa xanuunka Corona.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka HirShabeelle.