Somali News

UK oo digniin kasoo saartay dulaanka Ruusha ee Ukraine

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK Liz Truss ayaa uga digtay Ruushka duulaanka “cudurdaar-la’aanta iyo sharci-darrada ah” uu khatar ku yahay nabadda adduunka iyo xasilloonida dhaqaale.

“Wuxuu filayey in duullaanku uu soo afjarmi doono maalmo gudahood, laakiin wuxuu si weyn u dhayalsaday go’aanka geesiyaasha Ukraine, kuwaas oo si geesinimo leh u difaacay dalkooda,” ayay tidhi.

Xoghayaha ayaa sido kale sheegtay in duulaanka Putin uu keenay dhimasho iyo burbur baaxad leh oo aan Yurub lagu arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.