Somali News

Ukraine oo ka digtey howlgal Ruushku qorsheenayo Bishaan gudaheeda

Wasiirka Difaaca ee Ukraine Oleksiy Reznikov ayaa ka digay in Ruushka uu isku diyaarinayo weerar cusub oo dalkiisa lagu qaado, isagoo shaaca ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u bilaaban karo, marka la gaaro 24-ka Febraayo.

Reznikov waxa uu sheegay in Moscow ay abaabushay kumanaan askari ayna “isku dayi karaan Howlgal xoogan” marka la gaaro sanadguuradii koowaad ee duulaanka Ruushka ku qaaday Ukraine, kaasoo bilowday bishii February ee sanadkii hore.

Reznikov ayaa sheegay in Moscow ay abaabushay ilaa 500 oo kun oo askari si ay u fuliyaan weerarkan.