Somali News

Wafdi uu hogaamiyo Wasiirka Amniga ee Puntland oo gaaray Sanaag.

Garoowe-KNN-Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi samad Maxamed Gallan iyo  Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta waxaa ay gaareen Magaalada Badhan ee  gobolka Sanaag.

Waftiga ayaa waxaa qeyb ka ah taliyaha guud ee ciidanka ammaanka Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa waxa ay hogaaminayeen ciidamo ka soo baxay  gobolka Bari ee Puntland.

Sababta ay ciidankan u tageen gobalka Sanaag ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen difaaca gobolka Sanaag oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay halkaasi ay dhaq dhaqaaq ka wadeen ciidamada Soomaaliland.

Duleedka deegaanka  Yubbe ee gobalka Sanaag ayaa hada waxaa isku horfadhiya Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo kala baxay Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.