Somali News

Wasaarada caafimaad oo shaacisay in la helay kiisas cusub oo covid 19

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka carona laga heley 128 kiis ka dib baaritaan lagu sameeyay 936 qof oo ku kala nool guud ahaan dalka.

Gobolka Banaadir ayaa laga diiwaan geliyay tirada ugu badan oo ah 110 kiisas, iyadoo Jubaland laga heley sideed kiis, Soomaaliland lix kiis, Koofur Galbeed waxaa laga diiwaan geliyay sadex kiis, halka Galmudug kiis keliya laga heley.

Xogta wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimasha sideed qof marayso, waxaana cudurka ka bogsooday todobo ruux.

Guuud ahaan dalka waxaa laga diiwaan geliyay 6,017 kiis oo ay ku jiraan 202 qof oo cudurka u geeriyootay, waxaa xanuunka ka bogsooday 3,764 qof.

Saraakiisha caafimaadka dalka ayaa ku cel celinaya ahmiyadda ay bulshada u leedahay in ay la yimaadaan taxadir dheeraad ah, maadaama cudurka uu soo labo kacleeyay.