Somali News

Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas barakacayaal ah

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay maanta deeq raashiin ah u qeybisay boqolaal qoys oo kasoo barakacay abaarta ku dhufatay gobolada dalka kuwaas oo haatan ku nool degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Goobta raashiinka loogu qeebinayay qoysaskaas danta yar waxaa ku sugnaa oo ka hadlay Agaasimaha waaxda gargaarka ee wasaaradda Cabdullaahi Maxamuud Magan, isagoo sheegay in degmada Cabdicasiis qoysas ku nool oo danyar ah ay gaarsiiyeen deeq raashiin ah oo ka timid dowladda Imaaraadka Carabta.

“Inkastoo ay ku filnaansho aysan jiri, oo aysan ku filneyn sahayda hadda taala, hadane waxay muujinaysaa inaa u diyaarsan nahay inaanu tagno meel walba ay abaar ka jirto oo aan gaarsiin karno intey doonta hala ekaatee gobolada dalka oo dhan waan tagi doonaa” ayuu yiri Agaasimaha waaxda gargaarka ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in haatan ay ka bixiyeen gargaarka waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan degmada Cabdicasiis oo ay ku nool yihiin dad kasoo barakacay abaarta dalka ka jirta islamarkaana ay halkaas gabaad ka dhigteen.

Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda waxaa ay deeqda raashiinka ah u qeybisay maanta qoysas danyar oo barakacayaal ah kuwaas oo gaaraya ku dhawaad lix boqol oo qoys, balse waxaa jira qoysas kale oo badan islamarkaana ku nool degmooyinka Muqdisho iyo Gobolada dalka kuwaas oo ay heysato xaalado bini’aadanimo oo daran.