Somali News

Wasaaradda waxbarashada oo cudur-daar ka bixisay khalad ka dhacay oo ay baahisay KNN

Muqdisho-KNN-Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa qiratay in manhajka cusub ee dhawaan ay soo daabacday uu ku baxay cabir qaldan oo laga qoray dheerarka badda Soomaaliya.

Manhajka cusub ee dowladda Buugiisa maadada Juqraafiga – fasalka 4-aad ee dugsiga sare ayaa qoraya in badda Soomaaliya dheerarkeedu uu yahay 2800 oo KM, halka cabirka saxda ah ee biyaha Soomaaliya uu yahay 3333-KM.

Qaladkan waxaa la ogaaday markii mid kamid ah macalimiinta dhiga maadada Juqraafiga ee dugsiga sare uu bartiisa Facebook-ga ku baahiyey, sidoo kalena uu la wadaagay Idaacadda Kulmiye oo xalay baahisay khaladkan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay ka mahad celineyso fal-celintii uga timid bulshada ee ku aadaneyd qaladkaas dhacay.

“Waxaan ka cudur daaraneynaa guud ahaan khaladaadka ku jiri kara daabacaadda ugu horeysa, gaar ahaan khaladka hadda lagu arkay maadada Juqraafiga fasalka afaraad ee dugsiga Sare, ee ku saabsan dheerarka badda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.