Somali News

Wasiir Beyle oo dhagax dhigay dhismaha xarunta ilaalada canshuuraha ee Turabataariyo

Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya aya maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta ciidanka ilaalada canshuuraha bariga ee loo yaqaan Turabataariyada.

Sidoo kale waxaa la dhagax dhigay illaa afar goobood oo kale oo canshuuraha lagu qaado, kuwaasi oo ku yaalla degmooyinka qaar ee Gobalka banaadir. iyada oo aanan dhanka kale laga tageyn machadka tababarka canshuur aruurinta.

Wasiir Beyle ayaa ku tilmaamay Xarumaha uu dhagax dhigay maanta inay muhiim uyihiin horumarinta uruurinta canshuuraha iyo hagaajinta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday in dhowaan lagu wareejiyay 200 oo askri kuwaa oo ay u diyaariyeen inay si hagaagsan usoo uruuriyaan canshuuraha dalka.