Somali News

Wasiir Cawad ” Waxaan ka dhaxalnay cadaadis siyaasadeed cayrintii Haysom”

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in cadaadis siyaasadeed oo xoog leh ay kala kulmeen go’aankii ay ku cayriyeen Wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Arimaha Soomaaliya Ambassador Haysom.

Wasiirka waxa uu sheegay cadaadis Siyaasadeed iyo xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Galabeed ay wajahday Dowladda Soomaaliya, ma uusan sheegin magacyada Wadamada cadaadiska saaray Dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaas sheegay in Soomaaliya aysan wax saameyn ah ku yeelanayn cadaadiska ay saareen wadamada Reer-Galbeedka sababtoo ah buu yiri waxaa dan noogu jirtaa wixii dalkayna madaxbanaanidiisa ilaalinaya iyo Sumacadda Qaranka.

Wararka Sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la weydiiyay Wasiir Cawad waxa uuna sheegay in wararkaas aysan sax ahayn, sidoo kalane aan laga soo xigan dad xog ogaal u ah Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayuu ku tilmaamay in waqti aad u xanuun badan uusoo garab qabtay Soomaaliya ilaa hadana uu garab taagan yahay, xiriirka ka dhaxeeyo ayuu ku tilmaamay mid aan wax mugdi ah ku jirin oo aad u wanaagsan.

Xiisadda Walaalaheyn Khaliijka ma rabno inaa u kala safano, waxaan ka qaadanay go’aan dhex-dhexaad ah walina waan ku taaganahay mana jirto dal nooga xumaaday iyo mid nagula saaxiibay ayuu u sheegay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.