Somali News

Wasiir Juxa “ma aqbali doono in Garoowe dadka ku nool walwal lagu abuuro”

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaq hubeysan oo uu sheegay in ay ka jiraan magalaada Garoowe ee gobolka Nugaal iyo maagaalooyin kale oo gobolka ku yaala.

Wasiir Juxa waxa uu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Garoowe oo ah caasimadda Puntland in ay walwal lagu abuuri dadka ku nool.

Puntland ayuu xusay in ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka gasho arimaha ku saabsan doorashada, odoyaasha dhaqanka ayuu ka codsaday in ay kaalintooda nabadoonimo ay qaataa.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka aragtida duwan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulahi Deni ayaa dhalliilsan qaabka ay ka socoto dooarshada qofka iyo codka ah ee ka socoto deegaanada maamulka Puntland.