Somali News

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta kaga qeybgalay Magaalada New York meertada 77aad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa oo ay xubno ka yihiin 193 dowladood, iyadoo shir sanadeedkani halkudhiggiisu yahay “Xalka oo loo maro Wadajirka, Joogtaynta iyo Sayniska”.

Shirka oo si rasmi ah u furmay maanta (19 September) ayaa looga hadlayaa arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, shaqa la’aanta dhallinyarada iyo haweenka iyo door ka-siinta siyaasadda, isbeddelka cimilada, waxbarashada oo markaan mudnaan gaar ah la siiyey, dhaqaalaha, cunno yaraanta iyo arrimo badan oo kale oo muhiim ah. Shirkani wuxuu socon doonaa illaa 25 bishan.

Waxaa sidoo kale shirar doceedyo badan oo horay loo qorsheeyey Wasiirku la yeelan doonaa madax kale oo isugu jira wasiiro iyo madaxweynayaal ka kala yimid dowlado kala duwan oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha muhiimadda u leh dalkeenna iyo waddamada aynu saaxiibada iyo dano wadaagga nahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulan doceedyo la yeelan doona madax iyo wakiillo ururro caalami ah, heer qaaradeed iyo kuwa heer gobol ah oo uu kala hadli doono xiriirka dhinacyada badan iyo iskaashiga.