Somali News

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaa

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.

Wasiirka waxaa uu iftiimiyey sida ay kooxda argigixisada u qorsheynayaan iskudirka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen Alshabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah Al-shabaab uu gaaro meesha ugu dambeysa.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug kaas oo lagu qaban doonno Baladweyn ama Dhuusamareeb midkood, waxaa uuna odeyaasha ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.