Somali News

Wasiirka Warfaafinta oo faah faahin ka bixiyay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Mudug iyo Sh/dhexe

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa ka warbixiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xoogga oo garabsanaya dadka deegaanka ay Al-shabaab kula galeen Gobolada Mudug iyo Shabeellada Dhexe.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo isku aruursanayay inta u dhaxeysa deegaanka Qodqod iyo magaalada Camaara, halkaasina uu ka dhacay dagaal culus.

“Ciidanka Qaranka waxay khasaaro balaaran gaarsiiyeen Khawaariijta, iyada oo ku dhawaad 200 khawaarij ah, howlgana wa ” Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ciidamada wadajirka ah ay la wareegeen deegaanada Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow, Xinlibi, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, Qodqod iyo Camaara.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in howlgallo kale ay ka dhaceen Gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo ay ka qeyb qaateen saaxiibada Caalamiga, soona gudbin doonaan khasaaraha ka dhashay.