Somali News

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DF oo gaaray deegaanka Bariire oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa manta gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose si ay ugu kuur galaan xaalada deegaanka iyo baahiyaha ka jira oo ay ka mid tahay dhismaha buundada marta bartamaha Bariire.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) waxaana qeyb ka ahaa wasiir ku- xigeenka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Wasiirro dowladaha Xafiiska Ra’sal wasaaraha, Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga oo ugu horeyn kulan xog wareysi ah la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga ee gacanta ku haya deegaanka kadib waxa ay kormeereen Buundada Bariire  oo ay Al-Shabaab burburiyeen sanadkii 2017 si ay u qiimeeyaan Injineero la socday wafdiga.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa wafiga ku soo dhaweeyay Bariire wuxuuna sheegay in deegaanka ay xasiliyaan ayna rajeynayaan in la gaarsiiyo dadka deegaanka adeegyadii ay u baahnaayeen oo ay ku jirto dhismaha buundada Bariire.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa tilmaamay in dhismaha Buundada Bariire ay muhiim u tahay nolosha dadka deegaanka .

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Isaaq Maxamed  Maxamuud oo wafdiga qeyb ka ahaa waxaa uu tilmaamay in wasaaradu ay ka shaqeynayso sidi dib loogu soo celin lahaa deegaanka adeegyadii nolosha muhiimka u ahaa iyada oo kaashanayso hey’adaha dowladda.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid cabdullaahi waxaa uu dadka Bariire ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka ayna wasaaradu diyaar u tahay in adeegyada caafimaadka la soo gaarsiiyo deegaanka.

Wasiiro Dowlaha Xafiiska ra’iwasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa dhankisia  in maadaama lagu jiro todobaadka xorriyadda ay ku faraxsan yihiin inay waqti la qaataan ciidanka xoogga ee xureeyay deegaanka Bariire dowladda ay ka garab taagan tahay dadka deegaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya xasan Cali Maxamed oo hoggaaminayay wafidga waxa uu sheegay in ciidanka Dowladda sii wadayan xureynta deegaanada ay haraadiga ku yihiin Al-shbaaab iyo ka shaqeynta xasilinta deegaanada la qabtay.