Somali News

Wasiirro ka socda dowladda dhexe oo gaaray magaalada Jowhar

Jowhar-KNN-Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarnta maamulka Hir-Shabeelle.

Xubno ay hor kacayaan Wasiirka waxbarashada soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wasiirka Amniga dalka Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa goor dhaw gaaray magaalada jowhar.

Lama sheegin ujeedka socdaalka wafdigaas hayeeshee Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalmo kahor isaga oo la hadlaya Arday ka banaanbaxeysay joojintii lagu sameeyay Imtixaanka dowladda waxa uu amar ku bixiyay in kormeerayaashii laxaga diray Xamar ay iskaga baxaan deegaanada Maamulkiisa.

Waxaana fulay amarkii Madaxweyne Waare oo waxaa deegaanada Hir-Shabeelle sida Jowhar iyo Baledweyne iskaga baxay kormeerashii imtixaanka Shahaadigaa ee dowladda kuwaas oo laga diray magaalada Muqdisho.