Somali News

Wasiirro ka tirsan Jubbaland oo Garbahaareey lagu weeraray.

Garbahaareey-KNN-Magaalada Gabahaarey ee gobalka Gedo waxaa ay shacab iyo ciidan dibad bax dhigayay ku weerareen wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaldn oo uu kamid yahay wasiirka qorsheynta.

Aadam aw xeri oo ah wasiirka qorsheynta ee Jubbaldn ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac fudud uu gaaray kadib markii ay shacab ka soo horjeeda Madaxweynaha Jubbaldn ay weerareen guri uu ka deganyahay magaalada Garbahaareey oo uu goor dhaw tageen.

Carada shacabka ayaa timid kadib markii wasiirrada la sheegay in ay hordhac u yihiin wafdiga madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo la sheegay in qorsheynayay Tagista Gabbahareey ee maalmaha soo socda.