Somali News

Weerar khasaare gaystay oo ka dhacay dalka Afghanistan.

Muqdisho-KNN-Ururka Taliban ayaa weerar xoogan ku qaaday magaalada Kunduz oo kamid ah magaalooyinka ugu waawayn ee dalka Afghanistan.

Weerarkan xoogan ayaa imaanaya xilli matalayaal kakala socda dowladda Mareykanka iyo Ururka Taliban ay wadahadalo uga soconayaan dalka Qatar.

Afhayeenka kooxda Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen magaalada Kunduz ay ku qabsadeen dhismooyin muhiim ah oo ku yaalay gobolkaasi.   

”Taliban waxa ay saakay magaalada Kunduz kasoo weerareen dhawr jiho. Waxaan hadda ku suganahay gudaha magaalada anagoona qabsanay dhawr dhismo oo ay dowladda leedahay” ayuu sidoo kale warbaahinta u sheegay afhayeenka kooxda.   

Wasiirka arimaha gudaha ee dowldda Afghanistan ayaa dhankiisa sheegay in ugu yaraan 34 dagaalame oo katirsan Taliban ay ku dileen weerar dhanka cirka ah oo ay ka gaysteen dhawr meel oo ay Taliban kaga sugnaayeen magaalada Kunduz.