Somali News

Xaaladda Bini’aadanimo ee gobolka Tigrey oo laga deyriyay

Xisbiyada mucaaradka dalka Itoobiya ayaa ka digaya masiibooyin bini’aadanimo oo ka dhaca gobolka Tigreega ee waqooyiga dalkaas halkaasoo la sheegay inuu aad u yaryahay gargaarka bini’aadanimo ee la gaynayo.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen dhawr xisbi oo mucaarad ah oo ka jira dala Itoobiya ayay ku sheegeen inay u baahanyihiin in beesha caalamku deg deg u farogeliso xaaladda halista ah ee ka taagan gobolka Tigreega.

Xisbiyada bayaanka soo saaray oo ay leeyihiin qawmiyada Tigreega waxay ku sheegeen warkooda in boqolaal ruux ay cunno la’aan darteed ugu geeriyoodeen guryahooda magaalada Maqale kadib markii laga hor istaagay in gargaar loo geeyo waxaana ay ka digayaan in dad kale ay noloshoodu hadda halis ku jirto.

Qiimeyn ay sheegeen inay ka sameeyeen magaalada caasimada ah ee Maqale ayay ku sheegeen inay jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah oo ay wajahayaan dadka degan gobolka oo dhan gaar ahaan magaalada caasimada ah.

Illaa bishii November ee sanadkii hore xisbiyadaan waxay sheegeen in gobolka lagu dilay 52 kun oo ruux inta badan gobolkana dagaalka lagu burburiyay.

Qoraalka xisbiyadaan siyaasadeed kasoo baxay waxay sidoo kale kusoo hadal qaadeen in dadka gobolka jooga ay u baahanyihiin raashin, biyo iyo dawooyin deg deg ah haddii la waayana ay gobolka masiibo bini’aadanimo ka dhacayso.

Xisibiyadaan waxay soo jeediyeen in deg deg ciidamada dawlada iyo ciidamo ka socda dalka Eritrea oo caawinaya ay ka baxaan gobolka iyo in gobolka loo ogolaado baarayaal madaxbanaan oo soo arka sida xaaladdu tahay.

Dawlada Eritrea horey ayay dafirtay in ciidamadeeda ay gobolka Tigreega ee waqooyiga joogaan.

Xukuumadda Addis Ababa waxay sheegtay inay waxba kama jiraan yihiin eedaha loo jeedinayo ee ah inay gobolka u diiday in gargaar la geeyo waxaana ay dawladu sheegtay in qiyaastii ku dhawaad 2 million oo qof la caawiyay.