Somali News

Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo gaaray Baydhabo sababtana shaaciyay

Baydhabo-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kula qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, waxayna sida la sheegay iska xog-waraysteen xaaladda dalka, isagoo xeer ilaaliyuhu sheegay u jeedka maanta u tagay magaalada Baydhabo.

Xeer-Ilaaliyaha ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay Baydhabo u gaareen sidii ay u indha indhay lahaayeen habsani u socodka howlaha garsoorka iyo maxaabiista ku jirta xabsiyada deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Axmed Cali Daahir ayaa kormeeray Xabsiga Dhexe ee magaalada Baydhabo, waxaana xaaladda xabsiga iyo maxaabiista ku jirta warbixin ka siiyay Taliyaha ciidanka Asluubta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.