Somali News

Xiisad ka tagay D/Boocame ee G/Sool iyo ciidankii u joogay Puntland oo ku biiray Somaliland

Garowe-KNN-Wararka aan maanta ka heleyno degmada Boocame ee gobolka Sool oo uu ka arimiyo maamul taabacsan Puntland ayaa sheegaya in ciidamadii booliska ee ka howlgalayey maagaaladaas ay ku biireen Somaliland, iyagoo saldhiga magaaladaas ka taagay calanka Somaliland.

Boocame maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, taasi oo maanta kaliftay in taliskii booliska magaaladaasi uu ku wareego Somaliland, halka guddoomiyaha degmadu uu weli taabacsanyahay maamulka Puntland.

Ciidankii magaaladaas uga howlgalayey Puntland oo dhamaantood ahaa Boolis ayaa waxaa la sheegay in Somaliland ay u qeybisay mushaharaad, iyadoo maantana lagu wareejiyey gaadiid dagaal oo uga yimid dhanka Somaliland.

Gudoomiyaha degmada Boocame ugu magacaaban maamul Puntland iyo ciidamo tira yar oo weli taabacsan Puntland ayaa hada dhinac uga sugan magaaladaas waxayna dadka deegaanku ka cabsi qabaan inay dagaalamaan.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Boocame ayaa KNN u sheegay in wasiirka arimaha gudaha Puntland uu guddoomiyaha degmadaas uu cadaadis ku saarayo inuu ka jawaabo isku dayga lagula wareegayo degmada ee uga imaanaya dhinaca Somaliland.

Sidoo kale xubnahaas ku sugan Boocame oo ka gaabsaday inay ka hadlaan warbaahinta ayaa noo sheegay in wasaaradda arimaha gudaha Puntland ay kala dirtay golihii deegaanka ee magaaladaas, iyadoo guddoomiyaha degmadaas oo lagu magaacaabo Xeyle ay Puntland ku amartay inuu soo celiyo ciidamada ay kala wareegtay Somaliland.

Sababta ay Puntland u kala dirtay gulihii deegaanka waxaa naguula sheegay in guddoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo golaha deegaankaba lagu eedeyey inay dayaceen ciidankii, taas oo sababtay inay ku biiraan Somaliland.

Dadka ku nool magaaladaas ayaa siyaasad ahaan taageersan Puntland, waxaase jira loolan adag oo Puntland iyo Somaliland ay ugu kala xusul duubayaan gacan ku heynta degmooyinka iyo deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag.