Somali News

Xiisada u dhaxeeso Turkiga iyo qaar kamid ah wadamada reer galbeedka oo gaartay halkii ugu sareesay.

Muqdisho-KNN-Xiisada u dhaxeeso Turkiga iyo qaar kamid ah wadamada reer galbeedka ayaa gaartay halkii ugu sareesay kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay inuu amray 10 safiir oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka iyo Faransiiska in dalka aan looga baahnayn oo ay ka baxaan isagoo adeegsanaya Persona non grata.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa bayaan ka soo baxay ergooyinkan oo ku baaqaya in si deg deg ah loo sii daayo Osman Kavala oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini’adanimada.

Muddo afar sano ka badan ayuu xabsiga ugu jiray sababo la xiriira mudaaharaadyo iyo isku day afgambi, inkastoo aan la xukumin.

Qoraalkii toddobaadkan ee Mr Kavala ayaa si wadajir ah uga yimid safaaradaha Mareykanka, Kanada, Faransiiska, Finland, Denmark, Jarmalka, Netherlands, New Zealand, Norway iyo Sweden.