Somali News

Xil heynta Rooble oo bil jirsatay isagoo aan wasiirro magacaabin

Muqdisho-KNN-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u noqneysaa sodon maalmood tan iyo markii xilka loo magacaabay 17-kii bishii hore iyadoo isla bishaasii 23-keedi la ansixiyay.

Waxay noqoneysaa in muddo bil ah uusan Ra’iisla wasaare Rooble soo dhisin golaha wasiirada iyadoo uu markii hore-ba yaraa waqtiga uu heysto marka la fiiryo inta ka harsan mudada xil heynta ee dowladda xiligan xilka haysa.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ku micneeyay in uu wasiirka koowaad la soo daahay magacaabista wasiirada waxay ay cadeyn u tahay in ay jiraan caqabado badan oo ku horgudban.
Tan iyo xalay waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirar is daba joog ah oo loga arinsanayo ku dhawaaqista wasiirada lala soo daahay.

Kulamadan oo dhacay saacadihii u danbeeyay sida ay idaacadda Kulmiye xogta ku heleyso waxaa kamid ah shir saddex geesood ahaa oo u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha golaha shacabka u dhaxeeyay.

Kulamadan ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhismaha xukuumadda cusub ee iyo sidii looga gudbi lahaa caqabdaha ku horgudban.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu si gaar gaar ah ula kulamo ula qaatay xubno kamid ah wasiirada xilka sii haya ee xukuumadii hore, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.