Somali News

Xildhibaano ka tirsan BF oo war ka soo saaray doorashada Hir-Shabeelle

Muqdisho-KNN-Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Hir-Shabeelle ayaa kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen waxay ku taageereen in doorashada maamulkaas ay waqtigeeda ku dhacdo.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-murtiyeedkan ku soo jeediyay in xilalka maamulkaas ay si siman ugu tartamaan beelaha Soomaaliyeed ee dega Hir-Shabeelle.

“Shir ay isugu yimaadeen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedka Hirshabeele ee maanta oo ay taariikhdu 08/10/2020 kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa looga tashaday laguna gorfeeyay xaalaadaha siyaasadeed mid amni, bulsho iyo midda noolaleed ee ka jirta Dowlad Goboleedka Hirshabeele” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xildhibaanadaas.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran