Somali News

Mucaaradka Soomaaliland oo ka hadlay qorshahooda banaanbaxa

Musharaxa xisbiga mucaaradka wadani Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayay diidmada taliska ciidanka booliska Somaliland in banaanbax la dhigo ayaa sheegay in bannaan-baxa iyo muujinta dareenka dadka uu yahay xaq Dastuuri ah.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay ku adkeysanayaan in uu dhaco banaanbaxa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana aysan jirto.

Sidoo kale,waxaa uu shaaca ka qaaday in qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa ay wali wadaan, Hay’adaha amniga ayuu sheegay in ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba. 

Dhinaca kale, Ciidamadda ayuu uga digay in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee taagan. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub geysato ayuu tilmaamay in ka dhalan doonto ciqaab iyo isla-xisaabtan.


Waxaa uu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay ‘’ 13-ka November waxaa dhalan doonna isbeddelka Shacabka hoggaaminayo .’’