Somali News

Xubin ka tirsan oo Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga

Xasan Mustaf Dhaayow oo loo yaqaano (Shiniyey) ayaa isku soo Dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka ee Fadhigoodu yahay Degaanka Goof- guduud Buurey, oo uu ka howlgalo ururka 46-aad,Guutada 8-aad, Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka.

Shiniyey ayaa tababar kusoo Qaatey Degmada jilib ee Gobalka Jubbada Dhaxe, sidoo kale Wuxuu ka tirsanaa Machadka isqarxinta Al-shabaab oo uu ku jirey muddo 9 Bilood ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda.