Somali News

Xubno Aadane oo laga helay halkii xalay Qaraxu ka dhacay

Muqdisho-KNN-Halka uu ka dhacay Qaraxii xalay ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxasi.

Qaraxan oo xalay ka dhacay Banaanka hore ee maqaaxida Somaali Kofee ayaa waxaa xilligan lasoo sheegayaa in halkaa laga helay xubno aadane, oo ka go’ay dadkii xalay weerarkaa ku waxyeeloobay.

Wariye katirsan Kulmiye ayaa soo arkay Xubnaha saaka laga helay halkii xalay uu qaraxu ka dhacay, waxaana xubnahaa kamid ahaa Lugo Iyo Gacmo aadane.

Tirada dhimashada Qaraxan ayaa gaartay 5qof halka dhaawacuna uu gaarayo 16 qof.