Somali News

Xukun dil ah oo maanta lagu fuliyay Nin lagu eedeeyay inuu kufsi iyo dil ka geystay Gedo.

Muqdisho-KNN-Maxkamada ku taalla degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo ayaa waxaa ay xukun dil ah ku fulisay Nin lagu eedeeyey in uu kufsi u geystay Gabar yar kadibna uu dilay.

Ninka Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud, waxaa da’diisa lagu sheegay 32 Jir,waxaana maalma  ka hor lagu xukumay dil toogasho,islamarkaana Maanta oo Talaado ah lagu fuliyey xukunka.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa horay u sheegay in ninkaasi falka kufsiga ah uu qirtay, iyadoonna Maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed, iyadoona ay xusid mudan in Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug qeybta Puntland lagu kufsaday, islamarkaana  lagu dilay Gabar lagu Magacaab jiray Caaisho Ilyaas Aadan, iyadoona arintaasi ay dad badan ka caroodeen.