Somali News

Xukuumada iyo Hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland oo maanta yeelanayo kulan.

Madaxweynaha Somaliland muuse Biixi cabdi iyo hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland ayaa maanta la filayaa in ay mar kale ku yeshaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kulankii labaad.

Khilaafka Doorashada madaxtooyada iyo furista Ururrada siyaasiga ah ayaa laga garnaqsanayaa maanta sida ay kusoo warameen masuuliyiin ka tirsan Somaliland.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay dhameen doonaan madmadowga ka dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo hogaamiyayaasha mucaaradka  islamarkaana ay kasoo saari doonaan warsaxafadeed kulanka ay maanta yeelanayaan.

Dhawaan ayeey aheeyd markii ay yeesheen kulankii ugu horeeyay xukuumadda Somaliland iyo hogaamiyayaasha mucaaradka kuwaa oo xal hordhac ah ka gaaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, oo ay xukuumaddu dooneysay in ay muddo kordhin sameeyso.