Somali News

Xukuumada Soomaaliya oo soo bandhigtay qorshe lagu afurinayo in ka badan 20,000 oo qoys

Muqdisho-KNN-Barnaamijkaan maanta ay daah furtay Xukuumadda soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu afuri  doono dad ka badan 20,000 oo barakacyaal Soomaaliyeed ah.

Baracayaasha kunool gudaha iyo banaanka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in loogu talagalay afurintaas si joogtaana afurkooda loo sii doono.

Goobta lagu daah furay barnaamijkaas ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo marti sharaf kale. 

Aadan Sheikh Cali Fiidow oo ah Guddoomiyaha howlaha guud ee gobolka Banaadir iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in ay waajib ku tahay dadka wax heysta u gargaarida walaalaha Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

 Dhankiisa Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad u yartahay 20,000 ee qoys oo maanta afurintooda la daahfuray dadka danyartaana ay istaas ka badanyihiin, isagoo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta meel kasta oo ay joogaan in ay garab siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee aan awoodin in ay Afur helaan. 

Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee joogay halka lagu daah furarayay  barnaamijka maanta  ayaa cadeeyay in loo baahanyahay caawinta dadka liita ee aan waxba heli Karin.