Somali News

Xukuumadda Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in 2.6 Milion oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ay u baahanyihiin Gar-gaar deg-deg ah.

Muqdisho-KNN-Agaasimaha Hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed Marwo Aamina ayaa sheegtay inay jiraan qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 2.6 milion oo ruux, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah.

800,000  oo ka mid ah qaxootigaas ayey sheegtay inay ku noolyihiin xeryaha qaxootiga ee dalalka deriska la ah Soomaaliya, halka ku dhawaad 100,000 oo qaxootigaas ka mid ah ay sheegtay inay si iskood ah ugu soo laabteen dalkooda, iyadoo dadka Soomaaliyeed ka dalbatay in cid walba oo awooda ay garab qabato dadkaas qaxootiga ah.

Wasiirka gargaarka iyo Masiibooyinka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay olole dheer u gashay sidii ay Soomaaliya ugu shaabadeyn laheyd dal ay ku suganyihiin Argagixiso Caalami ah, iyadoo qaraar arintaas ku saabsan hor geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Waxa uu sheegay Wasiirku in ka dowladd ahaan ay dadaal dheer u galeen sidii looga guuleysan lahaa qaraarka ay Kenya horheysay QM, isla markaana ay Soomaaliya ku guuleysatay in la-laalo qaraarkaas.

Wasiir Xamza ayaa sheegay in hadii golaha ammaanku uu meel mari lahaa qaraarkaas uu dalku noqon lahaa meel gabaad u ah Argagixiso caalami ah, sidoo kale waxa uu sheegay in gargaarka iyo caawinta laga goosan lahaa barakacyaasha iyo qaxootiga danyarta ah ee Soomaaliyeed.