Somali News

Yurub oo mamnuucday iibsiga naftada Ruushka

Yurub ayaa Axaddii mamnuucday naaftada laga keeno Ruushka iyo weliba badeecadaha kale ee la xidhiidha shidaalka la sifeeyo. Midawga Yurub ayaa hoos u dhigaya ku tiirsanaanta tamarta ka timaadda Ruushka, taas bedelkeedana ay qorshaynayaan inay curyaamiyaan dakhliga uu Ruushku ka helo shidaalka, si loogu ciqaabo duullaanka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Mamnuuciddan ayaa la socota heshiis qiimo dhimis ah oo ay isla gaadheen, Isbahaysiga toddobada dal ee dimoqraadiga ah. Ujeedada guud ayaa ah, in weli loo sii ogolaado in naaftada Ruushku inay ku sii qulqusho suuqyada dalalka ay ka midka yihiin Shiinaha iyo India, iyo in laga hortago in sare u kac degdeg ahi uu ku yimaaddo qiimaha naaftada.

Sahayda naaftada ee ay ka helayaan dalalkan ayaa ah, mid soo maraysa jidad aad u dhaadheer, halka sahayda naaftada ee Ruushku ay tahay mid aad uga dhow.

Maadaama uu dalka Shiinuhu dib u furay suuqyadiisa dhaqaalaha, isla markaana uu qaaday xannibaadihii dhinaca COVID19, waxaa laga cabsi qabaa in dalabaadka Shiinuhu inay sare u qaadaan qiimaha shidaalka.

Ruushka ayaa bishii December oo keliya ka macaashay illaa $2 Billion, naaftada uu ka iibiyey dalalka Midawga Yurub.

Midawga Yurub ayaa hore u mamnuucay dhuxusha ka timaadda Ruushka, iyo qaybo badan oo ka mida saliida caydhiin, halka Ruushkuna uu joojiyey qaybo badan oo ka mida gaasta uu u soo iibgayn jiray suuqyada Yurub.