Somali News

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo la kulmay Danjire Donald Yamamoto

Muqdisho-KNN-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa maanta la kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Donald Yamamoto,

Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Mudane Donald Yamamoto ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeyntaa labada dhinac iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku la garab taagantahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka labadan Mas’uul Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa Hay’adda USAID ee Soomaaliya Mudane Jeff Bakken.