Somali News

Ajaaniibta ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in xaalad adag ay soo wajahday.

Muqdisho-KNN-Wargeys ka soo baxa Wadanka Kenya oo lagu magacaabo The Star ayaa daabacay in dagaalamayaasha Shisheeye ee ka barbar dagaalama Al-shabaab ay la kulmayaan niyad jab weyn, taasi oo ay ugu wacan tahay sida ay Al-shabaab ula dhaqamaan, xogtan aya wargeysk waxaa uu ka soo xigtay ilo military ah.

Dagaalamayaal ka soo goostay Al-shabaab ayaa sheegay in ajaanibta la jooga Al-shabaab lagu soo oogo dacwado la been abeen abuuray mararka qaarna la geeyo  furimaha hore ee dagaalka si loo tijaabiyo daacadnimadooda.

“Waxay u isticmaalaan Kenyan ka iyo Ajaanibta kale ismiidaaminta iyo ciidanka lugta ama waxay ku dilaan shir qool markii ay uga shakiyaan in ay sirdoon cadow yihiin” ayaa nin ka soo laabtay Al-shabaab uu u sheegay Ciidanka Kenya.

Wargeysku waxaa uu sheegay in dhalinyaradda kasoo laabtay Al-shabaab ee warkaan laga helay ay badankoodu ka tageen Jilib iyo Bu’aale oo ka mid ah saldhigyadda ugu waa weeyn ee ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

“Dilkii loo geystay hogaamiyaal saameeyn leh oo kasoo jeeda Kenya ayaa walaac abuuray xubnaha Al-shabaab ee jooga Kenya iyo kuwa Soomaaliya. Waxaa jira walaac qabsaday Kenyan ka katirsan Al-shabaab wixii ka dambeeyay dilkii Axmed Iman”, sida uu sheegay nin kasoo laabtay Al-shabaab.

Axmed Iman bishii March ayaa lagu dilay Bu’aale kadib duqayn uu Mareykanku fuliyay.

Axmed ayaa waxaa ka mid ahaa hogaanka Al-shabaab ee kasoo jeeda Kenya wuxuuna talooyin xirfadeysan ku lahaa weerarro ay Al-shabaab ka fuliyeen Kenya oo galaaftay nolosha Dad badan.

“Geeridiisu waxay yareeysay mooralka dagaalamayaasha Kenyan ka ah ee Al-shabaab ku jira waxayna yareeysay kuwii ku biiray” ayuu the Star kasoo xigtay ninka soo laabtay Al-shabaab ee aan magaciisa maqaalka lagu sheegin.

Dhowr kol oo hore ayey Al-shabaab dileen Dagaalamayaal ajaanib ah oo muddo ka tirsanaa kadib markii ay uga shakiyeen in ay basaaseen, sidaa oo ay tahayna Al-shabaab weli waxaa  u dagaalama Ajaanib ay ka go’antahay Qadiyadda howlgalka.