Somali News

Al-Shabaab oo la wareegay tuulooyin hoos taga degmooyinka Jowhar iyo Raagaceelle ee Sh/Dhexe

Jowhar-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada dhexe ayaa Sheegaya in Al-Shabaab ay saacadihii la soo dhaafay la wareegeen dhul balaaran oo hoostaga degmooyinka Raagaceelle iyo Jowhar oo ah caasimada Hirshabeelle.

Tuulooyinka Al-Shabaab la wareegeen waxaa kamid Warciise oo 15-20 KM u jirta Jowhar, iyo sidoo kale tuulooyinka qoordheere, jabada carbeed, Geyfo iyo Daba-gaab oo hoostaga degmada Raagaceelle.

Al-Shabaab ayaa 10 KM caawa u jira degmada Raagaceelle, halka ay tuulooyin hoostaga Jowar la wareegeen.

Dadka deggan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa dareemaya cabsi ballaaran ku aadan dagaal ka dhaca goobaha ay la wareegeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale maalmo ka hor  la wareegay deegaanka Mashallaay oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mashallaay ayaa waxaa ay dhacda inta u dhaxeysa degmooyinka Qoryooley iyo Buullo-mareer, waxaana hore ugu sugnaa ciidamada AMISON kuwaasi oo baneeyay.