Somali News

Al-Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen Saldhig ay Ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Diif

Muqdisho-KNN-Dagalamayaasha  Alshabaab ayaa xalay weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig ciidamada maamulka Jubbaland ay ku lahaayeen degaanka Diif ee gobolkada Jubbada hoose.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in  dagaalamayaasha Al-Shabaab  ay la wareegeen saldhigaas oo ay gacanta ku dhigeen Baabuur iyo Saanad milateri oo ay sheegeen inay ka carareen ciidamadii Saldhiga ku sugnaa.

Weli kama hadlin weerarkaasi Maamulka Jubbaland, mana jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara warka  ka soo baxay Al-Shabaab.