Somali News

Aqalka sare oo dalbaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuur lagu sameeyay Xeerka Maaliyadda Guud

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu eedeeyay golaha shacabka Soomaaliya, in ay been abuur ku sameeyeen xeerka maareeynta maaliyada guud ee dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in marka uu madaxweynuhu saxiixo sharci ay soo wada ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, sida uu xeerinayo madaxa afaraad ee qodobada 82aad iyo 83aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu dhigayo in marka golaha shacabka ay helaan hidnise sharciyeed uu wax ka soo badelay golaha aqalka sare ee uu qaadi karo sedex talaabo midkood.

1. inuu wax ka badel ku sameeyo, kuna soo celiyo Aqalka sare.

2.inuu aqbalo wax ka abdelka  aqalka sare, uuna gudbiyo madaxweynaha

3. iyo inuu ku diido wax ka badelka aqalka sare, cod sedex dalool labo dalool ah, una gudbiyo madaxweynaha.

Guddoonka golaha shacabka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in isaga oo aan qaadin mid ka mid ah  sedexan talaabo ay been abuur cad ah ku sameeyeen xeerka Maareynta maaliyada guud ee dalka, waxaa ayna sheegeen guddoonka aqalka sare inaan la dhaqan gelin karin xeerkan.

Sidoo kale guddoonka aqalka sare waxaa uu sheegay in madaxweynuhu uu saxiixay xeer loogu sheegay inuu ku jiro wax ka badelka ay sameeyeen aqalka sare, waxaa ayna madaxweynaha u soo jeediyeen inuu xeer madaxweyne ku ogolaado xeerka saxda ah oo ay sheegeen in ay u gudbiyeen madaxweynaha.

ugu dambeyn guddoonka Aqalka Sare ayaa dalbaday in hay’adaha ay warqadan sida tooska ah ugu socoto ay baaris deg deg ku sameeyeen sida uu u dhacay been abuurka xadgudubka ku ah, hanaaka dowladnimo iyo sareynta dastuurka dalka.

Tan iyo markii uu furmay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa khilaaf xoogan waxaa uu soo kala dhex galay guddoonka labada gole ee Soomaaliya, iyadoona ay isku khilaafeen sharciga doorashooyinka dalka oo ay meel mariyeen xildhibaanada golaha shacabka ee soomaaliya.