Somali News

Baarlamaanka Puntland oo u yeeray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Kalluumeysiga

Kulanka maanta ee Baarlamaanka Puntland, waxaa looga yeeray mas’uuliyiinta ugu sarraysa Wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaas, sida la xaqiijiyay.

Xubnaha ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga ee Puntland, ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka ay ka hor jeediyaan warbixin ku saabsan shaqada ay Wasaaraddaas u xil-saarantahay iyo wixii u qabsoomay.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa la filayaa inay su’aallo ka weydiiyaan warbixinta ay jeediyeen madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo meelo la sheegay in ay dhaliil ka jirto.

Tani ayaa qeyb ka ah isla-xisaabtan ay wadaan Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland muddooyinkii dambe, taas oo la xiriirta howlaha shaqo ee Mas’uuliyiin Wasaaradaha.