Somali News

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo Duqaynta Israel ee cisbitaalka ku yaalla magaalada Gaza oo ka socda caalamka

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo Duqaynta cisbitaalka ku yaalla magaalada Gaza ayaa ka socda caalamka.

Tobaneeyo qof oo mudaaharaad ka dhigay caasimadda Cammaan ay isku dayeen inay xoog ku galaan safaaradda Israa’iil.

Booliiska dalkaasi ayaa si xoog ah ku kala kaxeeyay dibadbaxayaashaasi ka careysnaa duqeynta isbataal ku yaalla Qaza.

Sidoo kale, dalalka Turkiga, Lubnaan, Masar, Iiraan iyo wadamo kale bay ka dhaceen bannaanbaxyada,

Dadka ayaa ku tilmaamay “xasuuq” iyo “dambi dagaal” oo aan loo dulqaadan karin.

Duqeynta isbataalkaasi ku yaalla qaza ayaa sida la sheegay waxaa ku dhimatay 500 oo qof.