Somali News

Booliiska oo faah faafin ka bixiyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.”

“Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa.”