Somali News

Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag loo haysto falal amni daro

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag loo haysto falal amni daro, kadib howlgal lagu soo qabtay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Aadan Doodisho ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Amniga ka fuliyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo afar qof oo loo heysto inay ka mid yihiin Al-shabaab iyo walxaha qarxa oo ay diyaarinayeen, kuwaasi oo hadda ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah