Somali News

Ciidamada ammaanka oo Baardheere ku dilay nin dil geysan rabay

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay toogteen xubin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya, sida ay KNN u sheegeen dadka goobjoogayaal ah.

Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii dambe waxay baaritaano ka wadeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.