Somali News

Ciidamada ammaanka oo Gaalkacyo ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay Maandooriyayaal si sharci darro ah looga ganacsanayay xaafado ka tirsan magaaladaasi

Howlgalkaan oo qayb ka ah qorshaha xoojinta amniga iyo nabad galyada gobalka Mudug waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida gobalka Mudug,isagoo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan  magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo sameeyay xog uruurin iyo baaritaanno ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin khamri iyo Xashiish aad u farabadan, oo si sharci darro ah lagu soo galiyay magaalada Gaalkacyo.

Taliyayaasha qaybta Booliiska iyo nabad sugidda gobalka mudug.G/sare Cabdirasaaq maxamuud sheekh yuusuf (faracadde iyo G/dhaxe qaasim shirdoon cali iyo ayaa waebaahinta uga warbixiyay howlgalka iyo sida ciidamada amnigu ugu guulaysteen.

Sidoo kaleTaliye ku xigeenka ciidanka Booliiska galmudug G/sare maxamed nuur cali  ayaa isna xusay in khamriga iyo xashiishku ay yihiin kuwa qeyb ka qaata amni darada, iyo falalka dhaqan xumada ah ee mudooyinkaan danbe ku soo kordhay Gaalkacyo.

Ugu danbayntii guddoomiyaha gobalka Mudug C/raxmaan cali diiriye isxal ayaa isna bogaadiyay kaalinta ciidamada Booliiska iyo  Nabad sugidda ay ka qaateen amniga gobalka.