Somali News

Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya magaalada marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in caawa uu halkaasi ka dhacay  dagaal xoogan

Dagaalkaan ayaa waxa uu dhaxeeyay  ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shababab

Dhawaqa rasaasta ay isweedaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayay xafadaha magaalada marka ee xarunta gobolka shabeelada hose.

Dagaalka ayaa la sheegay in xoogiisa uu ka dhacay  xafada buula bacaad iyo agagarka kawaaanka kaluunka ee dagmadfaasi

Iska hor imaadka ayaa bilowday abaaro saaladii maqrib ee caawa  waxana uu soo  garay daqiiqado kahor

Mid kamid ah dadka deegaanka marka ayaa idacada kulmiye  uga warbixiyay dagaalka cawa ka dhacay dagmadaasi

Qasaraha rasmiga ah ee uu geystay dagaalkaasi wali xog buuxda lagamahayo maadama xili habeen ah uu soo garay

Xalaada marka ayaa caawa aad u kacsan waxana xiran dhamaan ganacsiga iyo issosocda magaladsaasi