Somali News

Ciidamada Itoobiya oo shacab ku laayay gobolka Bay.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in dad shacab beeralay ah ay ku dileen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka kadib weerar ay kala kulmeyn Al-shabaab.

Ugu yaraan 11 qof oo shacab beeralay ah ayaa la sheegay iney dileen Ciidamada Itoobiya kuwaas oo ku sugnaa Inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Buurhakaba.

Ma Jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Itoobiya oo ku saabsan eedeynta loo jeediyay. Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KGS. Dadka deegaanka ayaa sheegay iney Ciidamada Itoobiya degaankaasi ku laayeen Shacab gaaraya ilaa 11 qof.