Somali News

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka oo Weeraray xabsi ay Al-Shabaab ku leeyihiin Shabeellada Hoose

Qoryoolay-KNN-Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen duleedka Degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeellada hoose.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Doonburaale oo 30 KM u jira degmada Qoryoolay, maadaama halkaasi ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga ay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Al-Shabaab ee maamulayay deegaanka Doonburaale, iyadoona sidoo kale ciidanka ay sii daayay boqolaal maxaabiis ah oo xirnaa Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Deegaanka Doonburaale ay saldhig weyn uu ugu yaala Al-Shabaab, iyadoona halkaasi dadka ku dhibaateeya.

Mudooyinkii dambe ayay aheyd markii ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ay weerar ku qaadayeen saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalka Shabellada Hoose.