Somali News

Ciidamada xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalla.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa maanta dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Janaay Cabdalla waxaa hore uga Sugnaa Al-shabaab, iyadoona Ciidamada Xoogga Dalka ay ka weerareen labo jiho dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay idaacad ku hadasha Afka Ciidamada ayaa sheegay in Howlgal qorsheysan ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbbaland, islamarkaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen degaanka Janaay Cabdalla.

General Bogmadow ayaa tilmaamay in dagaalkii Al-shabaab ay la galeen uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa uuna shaaca ka qaaday Taliyaha in dagaalka ay ku dileen 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 22 kalana ay ka dhaawaceen.