Somali News

Ciidamo lagu soo tababaray dalka Ereteriya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo muddo dheer tababar ku soo qaatay dalka Ereteriya.

Ciidamadan ayaa tiradooda ka badan tahay 5 kun oo askari, iyada oo la geeyay qaar kamid ah xeryo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Muddo sanado ah ayay tababar kala duwan ku soo qaateen dalka Ereteriya, iyada oo la filayo in ay ka qeyb galaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.