Somali News

Ciidanka Booliiska Jubbaland oo gacanta ku soo dhigay Jawaano xashiish ah iyo ragii watay

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa gacanta kusoo dhigay 142 Kiilo oo xashiish ah oo laga soo buuxiyay Jawaano.

Xashiishkan ayaa lagu soo qabtay laba eedaysane oo waday gaadhi nooca Soomaalidu u taqaan Afjiir oo ay kusoo qariyeen.

Xashiish-kan ayay saraakiishu sheegeen in lagu soo qariyey gaadhi Afjiir ah waxaana dusha laga saaray ciidda guryaha lagu dhiso si ciidamada Ammaanka looga qariyo.

Dadka ka ganacsada walxaha maanka dooriya ayaa inta badan isku daya in ay adeegsadaan tabo kala duwan si ay laamaha ammaanka uga qariyaan ganacsigooda sharci darrada ah, balse ciidama Booliska oo loo tababaray kahortagga walxaha halista ku ah shacabka ayaa fashiliya qorshe walba oo ay isku dayaan.

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa har iyo habeen u taagan sugidda amniga iyo ka hortagga wax walba oo amniga liddi ku ah oo ay ugu horreyso waxyaabaha Maanka dooriya.