Somali News

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay deegaan hoos yimaada magaalada Xudur

Howlgal ay ciidamada xoogga ka sameeyeen tuulo lagu magacaabo Makiiney oo 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Xudur ayaa lagu dilay 3 ka mid ah Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sheegay in ay qabsadeen saanad ciidan oo ay dagaalameyaasha Al-shabaab lahaayeen.

Howlgalkaan ayaa qayb ka ah kuwa ay maalmahaan ciidanka xoogga dalka ka wadeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.